TPLF Oo Ka Hadashay Weerar Lagu Qaaday Gobolka Canfarta

9

Fallaagada ka dagaalanta waqooyiga Itoobiya ee Tigray ayaa beenisay inay ka dambeysay weerar shaley lagu qaaday xarun caafimaad oo ku taalla gobolka Canfarta halkaas oo ay ku dhinteen ugu yaraan 12 qof.

Afhayeen u hadlay TPLF ayaa sheegay in wararka ku saabsan weerarkaas ay yihiin kuwo laga naxo isla markaana sheegay inay ka qeyb qaadanayaan sidii baaritaan loogu sameyn lahaa weerarka ka dhacay Canfarta.

Dhakhatar ku sugan goobta la weeraray ayaa BBC u sheegay in ugu yaraan 12 qof ay u dhinteen dhaawacyo culus oo kasoo gaaray weerarka lagu qaaday xarunta caafimaad ee Galikoma.