Dowladda Oo War Kasoo Saartay Tallaalka COVID-19 Ee Maanta La Keenay Muqdisho

5

Dawladda Faransiiska ayaa ugu deeqday dowladda Federaalka Soomaaliya 108,000 oo darsin oo tallaalka Cudurka halista ah ee COVID-19 ee AstraZeneca, si loo xoojiyo barnaamijka tallaal ee dalka.

Diyaarad siday tallaalka AstraZeneca ayaa duhurnimadii Maanta kasoo degtay Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho, waxaana la wareegay Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda.

Tallaalkan ay Dowladda Faransiiska ugu deeqday dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa la soo mariyey xarunta COVAX (CEPI, Gavi, UNICEF, WHO).

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Caafimaadka dowladda ee xilgaarsiinta ayaa waxaa lagu sheegay in ujeedka tallaalkan loo keenay dalka ay tahay in Soomaaliya laga saacido ka hortagga Caabuqa halista ah ee COVID-19.

Wasaaradda ayaa sheegtay in keenista qaybtaan labaad ee tallaallada Astrazeneca ee COVID-19 ay ku soo aaday, iyadoo lagu guda jiro waqti xasaasi ah oo uu COVID-19 soo laabaty markii 3aad, isla markaana lagu joojin karo in la tallaalo dadweynaha.

Sidoo kale Wasaaradda ayaa tilmaamtay in dowladda ay qorshaynayso in la tallaalka la siiyo shacabka ugu yaraan 20%, isla markaana ugu horreeyaan shaqaalaha ku jira la dagaalanka Cudurka iyo dadka ugu nugul oo ay ku jiraan dadka da’da ah.