Guddiga Doorashooyinka Galmudug oo maanta Dhuusamareeb kusoo dhoweeyay labo xubnood oo ka tirsan Guddiga Doorashaooyinka FEIT

10

Guddiga Doorashada Dowlad gobaleedka Galmudug  ayaa maanta magaalada Dhuusamareeb kusoo dhoweeyey labo xubnood oo ka tirsan guddiga Doorashada FEIT, labadaa xubnood oo Dhuusamareeb u tagay kor joogteynta Doorashada Aqalka sare oo dhowaan ka dhai doonta magaalada Dhuusamareeb

Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Galmudug, Mudane Maxamed Daahir Guleed iyo qaar ka mid ah ayaa soo dhaweeyay Labadan  Xubnood ee ka tirsan guddiga Doorashooyinka FEIT, kuwaa oo kala ahaa, mudane Cabdicasiis Cabdiraxmaan Yuusuf iyo mudane Moxamed Muuse.