Wasiirka haweenka oo ka digtay in la baalmaro heshiiska Doorashada

3

Wasiirka Wasaarada haweenka iyo xuquuqul Insaanka ayaa ka hadashay doorashooyinkii ka dhacay qaar ka mid ah dowlad goboleedyada iyo dadaalkooda iyada iyo guddiga qoondada haweenka ee ku aadan helista qoondada haweenka Dumarka Soomaaliyeed 30% Kiiba.

Wasiirka Wasaarada haweenka Xukuumadda Soomaaliya Xaniifo Maxamed Ibraahim oo la hadashay warbaahinta dowladda ayaa ka digtay in la baalmaro heshiiksii ay madaxda Soomaalida ku gaareen magaalada Muqdisho, kaasi oo ahaa in la ilaaliyo qoondada haweenka ee Soomaaliya.

Sidoo kale Wasiir Xaniifa ayaa rajo wanaagsan ka muujisay in sanadkaan ay helaan dumarka soomaaliyeed qoondadooda 30% kiiba ah, maadama dowlad goboleed walba looga baahan yahay seddexdii musharax in ay gabar noqoto sidii uu dhigayay heshiiskii muqdisho lagu wada galay.

Hadalka wasiirka ayaa kusoo aadaya, iyadoo dowlad goboleedka Koofur galbeed ay kusoo baxeen doorashada aqalka sare labo gabdhood, halka Jubbland oo qeyb kamid ah qabatay doorashada ay rag kaliya ku soo baxeen.