Ciidamada xoogga oo la wareegay deegaanno hoostaga Xarardheere

27

Ciidamada xoogga iyo kuwa daraawiishta Galmudug,  ayaa maanta Al-Shabaab kala wareegay deegaano hor leh, kuwaas oo hoostago degmada Xarardheere ee gobalka mudug.

Al-Shabaab ayaa isaga baxay deegaanka Miliqo oo u dhow Xarardheere waxaan goordhaw gudaha u galay oo deegaankaasi ciidanka huwanta ah.

Deegaanada ay la wareegeen ciidamada dowladda iyo kuwa galmudug ayaa sidoo ka mid ah  dabagalo,Cell Cabdi iyo kuwa kale.

Wararka ayaa sheegaya in  ciidamada ay  kaabiga ku hayaan degmada Xaradheere ee gobolka mudug.

Ciidamadan ayaa saakay ka tagay Magaalada Camaara ee gobolka mudug oo dhawaan laga saaray Al-shabaab.

Saraakiisha ciidanka hoggaamineysa ayaa  warbaahinta dowladda u sheegay in ciidanku ku sii jeedo Xaradheere oo haatan kooxda Al-shabaab ay kooxaha bilaabeen inay iskaga baxaan,.

Degmada Xarardheere ayaa ah saldhiga ugu weyn ee Al-shabaab ay ku leeyihiin gobolka Mudug, waxaa in ka badan 10 sano halkaasi maamulayo kooxda A-shabaab.