Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Soomaaliya oo daahfuray qorshaha horumarinta Biyaha

7

Daahfurka qorshahan oo Wasaaradda ay kasoo shaqeyneysay in muddo ah ayaa waxaa Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Mudane Xasan Cabdinuur Cabdi ku wehlinayay Agaasimaha guud ee Wasaaradda, Agaasimyaal iyo latilayaal katirsan Wasaaradda,  Iyadoo dhanka Fogaan Araga uga qayb galeen Wasiirka Qorsheynta iyo hormarinta Dhaqaalaha Mudane Jamaal Maxamed Xasan , Wasaaradaha Dowlad Goboleedyada ee biyaha iyo Tamarta qaar kamdi ah Wasaaradaha Xukuumada Federaalka iyo Hay’adaha taageera mashaariicda Biyaha.

Agaasimaha Waxaada Cabirka iyo Saadaasha Biyaha  Mudane Axmed Maxamed Xasan oo bilaawga kulanka daahfurka ka hadlay ayaa ka qaybgalayaasha uga warbixiyay marxaladaha iyo wadatashiyada uu soo maray qorshaha hormaribta kheyraadka Biyaha oo uu xusay inuu ka jawaabayo wax ka qabashada baahiyaha dhanka Biyaha ee heysta Bulshada Soomaaliyeed.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane  Cabdirisaaq Maxamed Muxumed waxa uu sheegay in dhinacyada oo dhan looga baahan yahay inay Wasaaradda ka tagaeeraan  hirgelinta qorshahaan.

Wasiirada Biyaha iyo Tamarta Dowlad Goboleedyada iyo mas’uuliyiinta ka socday Wasaaradaha heer Federaal iyo hay’adaha wada shaqeynta la leh Wasaaradda Tamarta iyo Biyaha ayaa taageeray qorshaha hormarinta kheyraadka Biyaha, iyagoona balanqaaday xoojinta wadashaqeynta Wasaaradda.

Mudane Jamaal Maxamed Xasan Wasiirka Qorsheynta iyo hormarinta Dhaqaalaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa bogaadiyay Wasaaradda Tamarta iyo Biyaha iyo dhinacyada kale ee kala qayb qaatay diyaarinta qorshan oo uu sheegay inuu yahay mid Baahi weyn loo qabo.

Ugu dambeyn Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Mudane Xasan Cabdinuur Cabdi ayaa xusay in hadda wixii ka dambeeyo Dowladda Soomaaliya ay leedahay qorshe cad oo xoogga saaraya hormarinta iyo ka jawaabidda baahiyaha dhanka Biyaha ah.