Qarax khasaare geystay oo ka dhacay magaalada Kismaayo

24

Magaalada Kismaayo waxaa goordhaw qarax lagula eegtay gaari Bus ah oo ay la socdeen cayaartoyda kooxda JCCI ee Kismaayo ka dhisan iyo mas,uul ka tirsan Kaaliyaha Xoghayaha Xiriirka Kubada Cagta Soomaaliyeed Mohamed Ali Jabane

Sida ay Radio Markabley u xaqiijiyeen ilo lagu kalsoonan karo oo ku sugan Magaalada Kismaayo ayaa sheegaya Qaraxa lagu xirey Gaari ay la socdeen Ciyaartoy gaari uu sarnaa Kaaliyaha Xoghayaha Xiriirka Kubada Cagta Soomaaliyeed Mohamed Ali Jabane iyo Kooxdii JCCI oo u socdey furitaanka garoonka Waamo.

khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa soo gaaray cayaartoyda, , waxaana ku dhintay Afar ka mid ah Kooxdii saarneyd baska,waxaana ka bad baadey Mohamed Ali Jabane oo ahaa taargetka Ninka la rabey in lagu Qaarajiyo.

Masuuliyiinta Jubbaland waxay xaqiijiyeen in Qaraxa lagu xiray gaariga bus ah,Laamaha Amaanka iyo Kooxaha gurmadka deg deg ah ayaa gaaray goobta uu Qaraxu ka dhacay.