Xilliga la qabanayo Ciyaarta Finalka ee Horyaalka Soomaaliya oo la shaacisay.

10

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa Xarunta Aqalka Dowlada Hoose ee Xamar Kulan kula qatay Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliya, Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha, Xiriika Kubadda Cagta  iyo Xubno Kale Oo ka Shaqeenaya Qabsoomida Cayaarta Finalka ee Horyaalka Kubadda Cagta Soomaaliya taasi oo dhex-mari doonta Kooxaha MMC iyo Horseed.

Madaxda ayaa isku raacday in Ciyaartaan ay dhacdo 2-da Bisha Augosto 2021, kana dhacdo Garoonka Eng. Yariisow Stadium.