Galmudug oo ka hadashay dad shacab ah oo lagu dilay Mudug.

5

Dowladd Goboleedka Galmudug ayaa ka hadashay labo qof oo rayid ahaa, kuwaas oo koox hubeysan ay ku dileen galbeedka Gobolka Mudug.

Wasiirka Amniga dowladd Goboleedka Galmudug Axmed Macalim Fiqi ayaa cambaareeyay labada qof ee rayidka ah ee lagu dilay deegaan ka tirsan Gobolka Mudug.

Waxaa uu ku baaqay Wasiirka in in caddaaladda la horkeeno dadkii ka dambeeyay dilka loo geystay dadkaas.

Qoraal uu soo saaray ayuu sidaan ku yiri Wasiir Ahmed Macalin Fiqi ” Baaritaan qoto dheerna lagu sameeyo xiriirka ka dhexeeya kooxaha deeganadaas mar walba dilalka ka geysta iyo argagixisada Shabaab” ayuu ku yiri qoraalka.