Askar illaalinayay xaduuda Afghanistan oo isku soo dhiibay Ciidamada Pakistan.

13

Kabul: illaa 46 askari oo ka tirsanaa illaaladii xaduudaha dalka Afghanistan ayaa isku dhiibay dowladda ay dariska yihiin ee Pakistan kadib dagaal ka dhacay xaduuda dhanka waqooyi ee wadanka Afghanistaan.

War kasoo baxay Wasaaradda gaashaandhiga Afghanistan ayaa lagu sheegay iney heleen xog sheegaysa in ciidamadooda joogay barta xaduuda Shitral oo ka tirsan gobolka Kheybar Buntukhwa ee wawooyiga Afghanistan ay xaduuda baneeyeen iskuna dhiibeen dowladda Pakistan.

Warkaan waxaa lagu sheegay in tirada askarta is dhiibtay ay gaarayaan 46 askari oo ay ku jiraan 5 sargaal oo sar sare.

Warbaahinta qaar ayaa sheegay in deegaanka ay ciidamadu baneeyeen ay la wareegeen dagaalamayaasha Ururka Taliban.