Khilaaf ka dhax-jira guddiga doorashada heer Maamul Gobaleed ee HirShabeelle.

11

Khilaaf culus ayaa ka taagan guddiga doorashooyinka heer federaal ee Maamulka HirShabeelle kadib markii maalmihii la soo dhaafay  ay ku kala-tageen kulamo ay yeesheen.

Guddiga ayaa isku heesta xeer hoosaadkii ay isku maamuli lahaayeen, kaas oo cadeynaya awoodaha xubnaha madaxda ah iyo guddi hoosaadyada.

Ilo wareedyo muhiim ah ayaa sheegay xogyihii guddigii hore ee ku yimid magacaabista MW hore ee HirShabelle Maxamed Cabdi Waare,  kaas oo aan ilaa hadda xilkaas ka tagin uu soo jeediyay in xoghaya uu ka awood badnaado guddoomiyaha iyo guddoomiye  ku xigeenkiisa,  islamarkaana uu isaga maamulo guddi hoosaadyada iyo maamulka la xiriira doorashada.

Xubno kamid ah guddiga ayaa diiday soo jeedintiisa oo aheyd in wax laga badalo Xeer-hoosaadka oo ay guddigaan kala simanyihiin dhamaan guddiyada kale ee maamul goboleedyada.

Masuulkaan oo la sheegay inuu aad ugu dhow yahay Madaxtooyada Soomaaliya  ayaa isku dayaya in uu maamulo wax kasta oo guddiga ku aadan,  iyadoo inta badan xubnaha ku guddigana ay arrintaas ku raaceen.

Guddoomiyaha guddiga ayaa sidoo kale ogol in uu dhamaan awoodihiisa hoos geeyo xogyahaha gudigga.

Madaxweynaha Maamulka HirShabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen “Guudlaawe” ayaa la filayaa in maalmaha soo socda uu lakulmo xubnaha guddiga islamarkaana uu xal u raadiyo khilaafka ka dhax jira.