Jubbland oo digniin u dirtay Kalluumeeysatada ka howlgasha deegaanadeeda.

12

Maxamed Cumar Buni Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Kheyraadka Badda Dowlad Goboleedka Jubbland ayaa ka hadlay khatarta xilligaan ka jirta badda isagoo digniin u diray kalluumeysatada halkaa ka howlgala.

Waxaa uu sheegay Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Kalluumaysiga in xeebaha deegaanada Dowlad Goboleedka Jubbland ay ku rogmatay maalmihii aynu soo dhaafnay Doon, iyadoo ay saarnaayen markaasi seddex ruux uu mid kamid ah geeryooday halka labada kalena aan nolol iyo geeri lagu heyn.

Sidoo kale waxaa uu intaa hadakiisa kusii daray in xiligaani lagu guudo jiro xilli ay badda kacsan tahay loogana baahan yahay kalluumeysatada inay meelo fog fog u aadaan kalluumeeyso.

Hadalka Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Kalluumaysiga Iyo Kheyraadka Badda Jubbaland ayaa imaanaya, iyadoo ay xaalad dabeello ah ay ka jirto badda, kuwaas oo meelo fog fog u aado kalluumeesi naftoodana ay ku waayan.