Xasan Sheekh Maxamuud: “Dalka oo dhan waa wada tabasho waana in la is warsadaa”.

4

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan Degmada Cadale ee Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa soo jeediyay in xal loo helo tabashada guud & tan gaarka ah ee Dalka ka jirto.

Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynihii 8-aad ee Soomaaliya waxa uu codsaday in laga wada hadlo wax waliba oo sababay tabashada guud iyo tan gaarka ah si looga gudbo loona helo xalka lagu soo afjari karo.

“Arrimaha qaar waxa ay u baahan yihiin in la iska warsado waana la is warsanayaa, wixii maanta la xalin karo waala xalin karaa, wixii kale berri ayaan u dhiganeynaa, Dadkaan dhexdiisa waxa nooga maqan yihiin oo wax duurjira ma aha” ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynihii 7-aad ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, Madaxweynaha DG Hir-Shabeelle iyo mas’uuliyiin kala duwan ayaa tagay Degmada Cadale ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Mas’uuliyiintaan ayaa Cadale ka sameeyay Kulamo guud iyo kuwo gaar gaar ah oo ay la qaateen maamulka Degmada, Odoyaasha dhaqanka & qaybaha kala duwan ee Bulshada si xal loogu helo tabashada ay qabaan.