R/wasaare Rooble oo la kulmay Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed

22

R/Wasaaraha Xuukumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan ku qabsoomay jawi wanaagsan oo ku saabsan arrimaha doorashada kuraasta Gobollada Woqooyi xafiiskiisa kula yeeshay Gudoomiyaha Aqalka Sare ee BFS Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Ra’isul Wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed.

Qoraal kasoo baxay xafiiska Ra”iisul wasaare Rooble ayaa lagu sheegay in Wadatashi iyo gorfeyn kadib la isla gartay in Guddoomiye Cabdi Cabdi Xaashi iyo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenku muddo kooban xal uga soo gaaraan kala aragti duwanaanshahooda arrimaha doorashooyinka si ay u qabsoonto doorashada xubnaha labada aqal ee gobollada Waqooyi.

Hadalka Ra”iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa imaanaya, iyadoo uu muddo muran iyo isqabqabsi ka dhexjiray Gudoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi iyo R/wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Guleed, kaas oo salka ku hayay matalaada Gobollada Woqooyi iyo sida loo wajahayo.