Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Qasriga Madaxtooyada kulan kula qaatay Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Puntland Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Wakiilada Mudane Abuukaate Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan iyo Guddoomiye Ku-Xigeenka Labaad ee Golaha Wakiilada Mudane Ismaaciil Maxamed Warsame.
Kulanka oo ahaa is xogwareysi, waxaa Madaxweynaha ku weheliyay Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash.
Wararka ayaa sheegaya in kulanka looga hadlay magacaabista guddiga doorashada aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya, maadaama maanta lagu waday in guddoonka baarlamaanka Puntland uu magacaabo guddigaasi, hayeeshee dib loo dhigay.
Madaxweynaha Puntland, Siciid Deni ayaa isna laga sugaya in uu maalmaha soo socda Baarlamanka u gudbiyo liiska dadka u tartamaya xubnaha Aqalka sare.
Doorashada Aqalka sare ee Baarlamanka dalka ayaa bilaaban doonta Axadda soo socota oo tariikhda ay ku beegan tahay 25-ka July 2021 sida ku cad jadwalka doorashada.