QM oo agabkii doorashada geysay Jubbaland iyo Puntland

20

Qaramada Midoobay ayaa maamulada Puntland iyo Jubbaland gaarsiisay agabka doorashada, xili dhowaan ay billaabanayso doorashada xildhibaanada aqalka sare.

Guddiga hirgalinta doorashooyinka heer Dowlad Goboleed SEIT Puntland, ayaa maanta qalab ay kamid yihiin sanaadiiqda codbixinta kala wareegay UNSOM xafiiskooda Garoowe.

Waxaa sido kale maanta mar sii horreysay qalabkaan oo kale xafiiska UNSOM ee magaalada Kismaayo kula wareegay guddiga hirgalinta doorashooyinka heer Dowlad Goboleed SEIT ee Jubbaland.

Arrintan ayaa ka dambeysay ka dib markii guddiga hirgalinta doorashooyinka heer federal ay soo saareen jadwalka doorashada, kaasi oo tilmaamayay in 25 bishaan ay billaaabanayso doorashada xildhibaanada Aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya.