Ra”iisul wasaaraha xukuumadda soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka hadlay arinta Soomaaliland kaas oo ay ka taagan tahay khilaaf kaas oo ay dhaliyay in laba garab ay sameesmaan oo sheegayana in ay matalaan xubnaha gobolada waqooyi, kuwaa laga soo doorto oo ay kala hogaaminayaan Gudoomiyaha Aqalka sare Cabdi xaashi Cabdullaahi iyo R/wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed.
R/wasaare Rooble ayaa tilmaamay in ay meel fiican u mareeso arinta soomaaliland isgago sheegay in uu wado wadatashiyo.
“Arimaha soomaaliland meel fiican aye ii marayaan wadatashiyo ayaan wadaa waan ku guda jiraa, Madasha wadatashiga qaranka ee dowladd goboleyyada iyo dowladda dhexe aniga ayee masuuliyadayda isaartay sida ku cad september 17 February 27 may anigoo la tashanayo gudoomiye Cabdi xaashi iyo R/wasaare ku xigeen mahdi wada hadal ayaa inoo socda quluubtiina khery u sheega,”
Hadalka R/wasaare Rooble ayaa imaanaya iyadoo khilaaf uu ka taagan yahay arinta gobolada waqooyi oo ay isku heestaan kii hogaanka u qaban lahaa xubnaha gobolada waqooyi Gudoomiyaha aqalka sare Cabdi Xaashi iyo R/wasaare Ku xigeenka dalka Mahdi maxamed Guuleed.