DEG DEG:- Ciidamada xoogga iyo Al-shabaab oo ku dagaalamaya Galgaduud

15

Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in dagaal u dhexeeya ciidamada xoogga iyo Al-shabaab uu ka socdo deegaanada Sin-dhaqo iyo Labidulle oo ka wada tirsan gobolkaasi.

Dagaalka ayaa la sheegay in uu yimid, kadib markii Ciidamada xoogga guutada 15-aad qeybta 21aad ay saakay dagaal ku qaadeen dhowr fariisimo oo  ay Al shabaab ku lahaayeen deegaanada Sin-dhaqo iyo Labidulle oo ka tirsan gobolka Galgaduud.

Goobjoogayaal ayaa KNN u sheegay in labada dhinac ee dagaalamaya ay isku adeegsanayaan hubka nuucyadiisa kala duwan.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in khasaaro uu soo kala gaaray labada dhinac ee dagaalamaya, inkastoo  aan la ogaan karin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka.

Wixii faah-faahin ah kala soco halkaan.