Soomaali dil iyo dhaawac loogu geystay Koofur Afrika

12

Burcad hubeysan ayaa waxaa ay xalay magaalada CapeTown ee waddanka Koofur Afrika ay dil, dhaawac iyo Boob hantiyadeed ay u geysteen dhalinyaro Soomaaliyeed, kuwaasi oo halkaasi goobo ganacsi ku lahaa.

Alle ha u naxariistee Axmed Macalin Jimcaale, ayaa dhintay halka Walaalkiis ka weyn ee Maxamed Macalin Jimcaale uu dhaawac yahay, kadib markii ay Kooxo hubaysani weerar ku galeen dukaan ay ku lahaayeen Xaafadda Kraaifontein oo ka tirsan Magaalada Cape Town, sida uu sheegayo weriyaha KNN ee dalka Koofur Afrika.

Ciidamo ka tirsan Booliska Koonfur Afrika ayaa tegay halka weerarka uu ka dhacay, iyaga oo halkaasi ka sameeyay baaritaano la xiriira sida uu dilka u dhacay iyo sidii lagu heli lahaa Burcadii ka dambeeysay dilkaas.