Tirada dhimashada daadad ku dhuftay Jarmalka oo korortay

3
A general view of a flood-affected area following heavy rainfalls in Schuld, Germany, July 15, 2021. REUTERS/Wolfgang Rattay

Tirada dadka ku dhintay daadadka ba’an oo ku dhuftay qaybo ka mid ah galbeedka Jarmalka ayaa gaartay 93, sida ay sheegeen masuuliyiinta maxalliga ah, iyada oo uu socdo baadigoobka boqolaal qof oo aan ilaa hadda la hayn meel ay ku dambeeyaan.

Masuuliyiinta gobolka Rhineland-Palatinate ee Jarmalka ayaa sheegay in dad aad u tiro badani ay ku dhinteen halkaas, oo ay ku jiraan ugu yaraan sagaal qof oo deggen xarun lagu xanaaneeyo dadka naafada.

Qiyaastii 1,300 oo qof ayaa wali la soo sheegay in la la’yahay, in kastoo mas’uuliyiintu sheegeen in dadaallada baadi goobayo ay caqabad ku noqon karaan waddooyinka oo xumaaday iyo isgaarsiinta oo maqan.

Hogaamiyaha Jarmalka, Angela Merkel, oo booqasho ku joogta Washington, DC, ayaa waxaa ay sheegtay in sida aad naxday daadadkaasi.