Dagaal khasaare geystay oo ka dhacay gobolka Hiiraan

5

Wararka naga soo gaaraya degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan, ayaa sheegaya in halkaasi uu maanta ka dhacay dagaal u dhaxeeya maleeshiyaad ka kala tirsan laba beelood.

Dadka deegaanka ayaa idaacadda Kulmiye u sheegay in dagaalka uu yimid ka dib markii maleeshiyaad hubeysan ay weerar ku qaadeen  maleeshiyaad kale oo ku sugan deegaanka Dhisaqa ee Duleedka degmada Matabaan.

labadan beel ayaa dhowr jeer ku dagaalamay degmadaasi. Dagaalkooda ayaana la sheegay in uu salka ku hayo dhul-daaqsimeed.

Inta la xaqiijiyay waxaa dagaalka ku dhaawacmay laba ruux.

Wararkii u dambeeyay ee naga soo gaaraya degmada Matabaan ayaa sheegaya in xaaladda ay hadda deggan tahay.