Dowladda Koofur Afrika oo ciidamo badan geysay gobolada rabshaduhu ka socdaan ee dalkaas.

10

Dowladda Koofur Afrika ayaa ciidamo badan u daabushay
gobolada Guwaateen iyo KwaZulu-Natal oo ay ka dhaceen rabashadaha ugu
badan ee dalkaas ka socda.
Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa sheegtay in ujeedka ciidamada loo diray
goboladaas uu yahay inay xaaladda dajiyaan.
M/weynaha dalka Koofur Afrika Cyril Ramaphosa oo ka hadlay telefishinka
dawlada ayaa ku baaqay in la joojiyo dibabaxyada rabshadaha wata ee
dalkaas ka socda.
Rabashadaha ugu badan waxay ka dhaceen magaalada Durbin halkaasoo
sidoo kale la bililiqeystay xarumo ganacsi.
In ka badan 500 oo qof ayay dowladu sheegtay in loo xir xiray rabashadaha
ay sameynayaan taageerayaasha m/weynihii hore ee dalkaas Jakob Zuma
oo maxkamadi ku heshay dambi ah inuu musuqmaasuq ku kacay intuu uu
xafiiska joogay.