Dad badan oo laga afduubtay Nigeria

17

Amiir caan ah oo muslim ah oo lagu magacaabo Al Xassan Adamu Kajuru ayaa laga afduubtay gurigiisa oo ku yaala Waqooyi Galbeed gobolka Kaduna ee dalka Nigeria.

Waxaa lala afduubtay 12 qof oo qaraabadiisa ah oo uu ilmo aad u yar ka mid yahay.

Wararka ayaa sheegay in Amiirka uu sii ogaaday in weerar lagu so yahay, kadibna uu ciidamada militariga ka codsaday in ay illaalo dheeraad ah u keenaan, bals amarkaasi lama fulin.