Ciidamada xoogga dalka howlgallo ka sameeyey deegaano ka tirsan Hirshabelle

13

Cutubyo ka tirsan Ciidamada Xoogga dalka  iyo kuwa Ammaanka Dowlad gobaleedka HirShabeelle ayaa howlgallo Amniga lagu xaqiijinayay  ka sameeyay deegaano ku yaal duleedka Galbeed  ee magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Howgalka oo uu hoggaaminayay Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdiraxman kheyre,  ayay Ciidanka Ka sameyeen deegaanada, baali, burjada ciinta, doon Maleeyka, oo 25 KM dhanka Galbeed  ugu bageen Magaalada Beledweyne.

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Dowlad Goboleedka Hir-shabeelle Maxamed Cabdiraxman kheyre, ayaa ciidamada ku bogaadiyay xaqiijinta howlaha sugida Amaanka ee ay kawadaan Magaalada Beledweyne iyo  Degaanada hoosyimaada.

Sidoo kale Wasirka ayaa Ciidamada ku amray inay kordhiyaan howgallada iyo sugida amniga maadaama Magaalada Beledweyne ay kamid tahay gobaha loo asteeyay in dhawaan ay ka dhacaan doorashoyinka Baarlamaanka dalka.

Sidoo kale ciidamada ayuu faray iney tagaan goobaha ay dagaalamayaasha AL-shabaab ka joogaan deegaanada dowlad goboleedka Hirshabelle iyadoo ay ciidamada xoogga dalka ee ku sugan gobolka shabelleda dhexe ay maalmihii lasoo dhaafay ay kor u qaadeen howlgallada ka dhanka ah dagaalamayaasha AL-shabaab.