Maxaa ka soo kordhay qaraxii ka dhacay Muqdisho?.

6

Inta la ogyahay afar qof ayaa ku geeriyootay, halka sideed kalana ay ku dhaawacmeen qarax ka dhacay magaalada Muqdisho, sida ay sheegeen booliska iyo goobjoogayaal.

Qaraxa ayaa waxaa fuliyay qof isku soo xiray walxaha qarxa, kaasi oo beegsaday dhalinyaro ku sugnaa maqaayad ku taala Isgoyska Jubba ee Muqdisho.

Ciidamada ammaanka ayaa tagay goobta uu qaraxu ka dhacay waxayna halkaasi ka sameeyeen baaris ay ku doonayaan inay ku ogaadaan raadadka qofkii is qarxiyay

Magaalada Muqdisho ayaa amnigeedu uu wanaagsanaa toddobaadyadii la soo dhaafay, hase yeeshee waxaa qaraxyada ay geysanayaan dadka isku soo xira jaakadaha ka sameysan waxyaalaha qarxa ay ku soo badanayaan caasimadda,