QM oo sheegtay in kumanaan qof lagu barakiciyay dagaalkii shalay ka dhacay deegaanka Wisil.

13

Xafiiska Qaramada Midoobay arrimaha bani’ aadanimada ee OCHA ayaa warbixin kooban ka soo saaray dagaalkii ka dhacay qeybo ka mid ah deegaanka Wisil ee koonfurta gobolka Mudug.

Warbixinta hay’adda OCHA ayaa waxaa lagu sheegay in dagaalkaasi oo khasaare geystay ay ku barakaaceen kumanaan ruux oo shacab ah.

Hay’adda ayaa sidoo kale sheegtay in dadkaasi ay soo wajaheen daruufo nololeed iyo hoy la’aan, waxaana ay shaacisay inay u baahan yihiin gurmad bani’aadanimo oo deg-deg ah.

Warbixinta hay’adda OCHA ayaa ugu baaqday dhinacyada dagaalamaya iney dhawraan xuquuqda dadka rayidka ah ee dushooda lagu dagaalamay.

Dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa weerar culus shalay ku qaaday xero Ciidanka Daraawiishta Galmudug ay ku leeyihiin deegaanka Wisil, ee gobolka Mudug.

Askartii iyo dadkii shacabka ahaa ee dagaalkaas uu dhaawaca kasoo gaaray ayaa la keenay magaalada Muqdisho kuwaas oo dowladda Soomaaliya ay sheegtay in caafimaadkooda ay damaanad qaaday dowladda dhexe.

Ra’iisulwasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo uu weheliyo madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor ayaa isbitaalada Muqdisho ku booqday dhaawacyada dadkii uu kasoo gaaray dagaalkaas, oo dad badan ay ku dhinteen.

Wasaaradda amniga Galmudug oo war kasoo saartay dhankeeda ayaa sheegtay in dagaalkaas AL-shabaab looga dilay ku dhawaad 50 dagaalame oo ka tirsan AL-shabaab