Baarlamaanka Puntland Oo Aqbalay Codsi Uga Yimid Madaxweyne Saciid Deni

18

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland , Cabdiirashid Yuusuf Jibriil oo ay weheliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Cabdicasiis Cabdullahi Cismaan iyo Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa maanta shir Guddoomiyey fadhiga 8-aad ee Kalfadhiga 48-aad ee Golaha Wakiillada DPL, waxaana fadhiga soo xaadiray 44 Xildhibaan.

Fadhiga maanta waxaa mooshin ku saabsan in wax-ka-bedelka lagu sameeyo Xeer-hoosaadka Golaha Wakillada soo jeediyey Guddiga Shuruucda & Caddaaladda, waxaana xildhibaannada Golaha Wakiilladu ku taageereen cod aqbaliyad ah oo (41) Xildhibaan ku oggolaadeen, halka hal (1) Mudane diidey, ayna ka aamuseen Labo (2) Mudane.

hinaca kale, isla fadhiga 8-aad ee maanta waxaa Goluhu cod aqlabiyad ah ku oggolaadeen ansixinta iibka Dhulka Laanta Bangiga Degmada Gaalkacayo ee Gobolka Mudug, si waafaqsan 52-aad ee Dastuurka Puntland, taasoo Madaxweynaha Puntland u soo gudbiyey Golaha Wakiillada codsi ku saabsan Ansixinta IIbka Dhulka Laanta Bangiga ee Degmada Gaalkacayo, kadibna codeyntaasi u dhacday sidan: Oggol (41) Mudane, diidmo (0) aamus (2).

Ugu dambeyntii, fadhiga maanta waxaa Wasaaradda Maaliyaddu Golaha u soo gudbisay Xisaab-xirka Sannad-maaliyadeedka 2020, si waafaqsan qodobka 137-aad ee Dastuurka Puntland, Xisaab xirkaas oo lagu wareejiyey Guddiga Dhaqaalaha iyo Xisaabaadka ee Golaha Wakiillada, si ay warbixintooda la xiriirta arrimaha xisaab-xirka 2020 ugu u soo gudbiyaan golaha Maalinta Sabtida 3 bisha Luulyo,2021.