Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS oo ka qeybgalay Munaasabad lagu Xusayay Maalinta Caalamiga ah ee ka hortagga Shaqaaleysiinta Carruurta 12 June

2

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Xasan Xuseen Xaaji ayaa ka qeybgalay Munaasabad lagu Xusayay Maalinta Caalamiga ah ee ka hortagga Shaqaaleysiinta Carruurta 12 June.

Munaasabadan oo ay soo qaban-qaabisay Wasaaradda  Shaqada iyo Arrimaha Bulshadda ee XFS ayaa  Waxaa ku sugnaa Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Xuquulqul insaanka XFS Xaniifa Maxamed Ibraahim ,Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshadda XFS Cabdiwahaab Ugaas  Xuseen Ugaas Khaliif iyo Wasiirka Cadaaladda XFS Cabduqaadir Maxamed Nuur Jaamac iyo Xubnno kale oo ka Socday Laamaha DFS iyo Ururada Bulshada Rayidka .

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS oo madasha ka hadlay ayaa si qota dheer ugu hadlay ,Muhiimadda ay leedahay ka hortagga Shaqaaleysiinta Caruurta ,isagoo tilmaamay In Sharciyadda Caalamiga ah iyo Xeerarka Dalka ay mamnuuceen in Carruurta la Shaqaaleysiiyo.

” Diinteenna islaamka ayaa na  Fareysa in la dhowro Xuquuqda Carruurta ,ka Wasaarad ahaan waxaan aad ugu shaqeynay ka hortagga Askareynta Carruurta ,Waxaan ka soo Saarnay Habraacyo laga dhaqan-galiyay Talisyada Ciidanka XDS , Dalka Waxaa uu leeyahay Sharciyadii ilaalin lahaa Xuquuqda Carruurta ,waxaase loo baahanyahay Ha’addaha iyo Wasaaradaha XFS ee ay quseyso in ay iska kaashadaan arrimahaas Mar walbana Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Diyaar ayay u tahay ilaalinta Xuquuqda Carruurta” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo ka hadlayay kulanka.

Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa dadaal Xooggan galisay hirgalinta Habraacyo ku aadan ka hortagga Askareynta Carruurta ,Waxaana Wasaaradda ay ka sameysay qaar ka mid ah Gobalada Dalka Olole lagu wacyi-galinayo bulshadda si ay ugu qeybqaataan ka horyagga Askareynta Carruurta Si loo ilaaliyo Xuquuqda Carruurta Soomaaliyeed .