Maxkamada ciidamada oo xukun ku riday ganacsato lagu eedeeyay in ay la shaqeeyaan Al-shabaab

14

Maxkamadda darajada koowaad ee Ciidamada qalabka sida ayaa Maanta xukun ku riday ganacsato lagu eedeeyay inay gudaha dalka soo geliyeen Kiimikada iyo Agabyada loo adeegsado waxyaabaha qarxa, kaasi oo lagu dhibaateeyo shacabka Soomaaliyeed.

Ragga la soo eedeeyay ayaa tiradooda waxaa ay gaarayeen 7 xubnood, kuwaasi oo laba kamid ah ay yihiin maqane, kadib markii dhawaan lasoo taagay Maxkamadda Ciidamada, kuwaasi oo la sheegay inay dalka soo geliyeen Kiimikada qaraxyada, una sii gudbin jireen dagaalameyaasha Al-shabaab.

Sidoo kale Xafiiska xeer ilaalinta ayaa Maxkamadda Ciidamada ka codsatay in eedeysanayaasha lagu rido xukuno adeg, maadaama dalka ay soo geliyeen waxyaabo halis ah oo khatar ku ah nafta iyo deegaanka.

Maxkamadda Ciidamada ayaa eedeysane Maxamed Cismaan Maxamed ku riday xukun xabsi daa’in ah, halka eedeysanayaasha kala ah Cabdisalaan Cali Faarax, Daahir Cusmaan Maxamed, Khadar Cabdisalaan Maxamed, Maxamed Cabdi Sh Cumar iyo Saciid Xuseen Maxamed lagu xukumay mid 8 sanno oo xabsi ah, sida uu sheegay guddoomiye Shuute

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada qalabka sida Gaashaanle sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa sheegay in la sii deeyay Cabdisalaan Cismaan Maxamed oo lagu waayay dambi.