Hadal Jeedinta Axmed Madoobe “Iima Muuqato Dano Gaar Ah Oo Siyaasadeed”

9

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Islaam Axmed Madoobe oo ka hadlayay gunaanadka shirka Wadatashiga qaran ayaa sheegay in xal laga gaaray qodobadii sida weyn looga hadlay, waxaana uu si gaar ah ugu mahadceliyay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Waxaa uu sheegay in Madaxda Afisyooni ku shiray ay ahaayeen kuwo isku tanaasul iyo dul qaad sameeyay, waxaana intaa ku daray in xal laga gaaray dhammaan waxyaabihii la siku hayay oo dhammaantood quseeyay arrimaha doorashada dalka.

waxaa dhammaan dhinacyada ay quseyso siyaasadda dalka uu ugu baaqay in ay ku dadaalaan sidii ay ku dhaqan galin laahayeen hannaanka doorashada, ayna dhaqan galiyaan qodabada kasoo baxay shirka, kuwaasi oo uu sheegay in ay yihiin masiirka doorasho dalka ka dhacda oo xor iyo xalaal ah.