Wasaaradda Amniga Xukuumadda Soomaaliya Oo Afhayeen Cusub Loo Magacaabay

32

Wasiirka Wasaaradda amniga gudaha ee Xukuumadda Soomaaliya mudane Xasan Xundubey Jimcaale ayaa afhayeenka Wasaaradda Amniga u magacaabay Cabdi Kaamil Macalin Shukri, sida uu saxaafadda u sheegay Wasiiru dowlaha Wasaaradda Amniga Gudaha Mudane Farxaan Cali Axmed.

Mudane Farxaan Cali Axmed ayaa xusay in Cabdi Kaamil uu horey u ahaa Afhayeenka Wasaaradda, haatanna markale loo magacaabay, isagoo xusay in Madaxda Wasaaradda ay ku kalsoonyihiin waayo aragnimada iyo aqoonta uu u leeyahay howsha loo igmaday.

Hoos ka akhriso magacaabista Afhayeenka Wasaarada Amniga