Puntland oo bilowday diiwaan gelinta doorasho qof iyo cod

6

Maamulka Puntland ayaa markii ugu horreysay laga daahfuray diiwaangelinta doorasho qof iyo cod ah.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Cilmi Karaash ayaa maanta daahfuray barnaamijkan xilli uu ku sugnaa magaalada Qardho, waxay ka dhigan tahay in dadweynaha Puntland ay codkooda ka dhiibaan goobaha codeynta.

Waxaana maanta si rasmi ah loo bilaabay Puntland diiwaangelinta codbixiyeyaasha.

Ku simaha Madaxweynaha, ahna Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) ayaa sheegay in dowladdu ay $ 90, 000 doollar ay u qonddeyeen arurrada siyaasadeedyada Puntland.