DF Soomaaliya oo ka hadashay go’aanka ay Kenya ku joojisay duullimaadyadii labada dal

2

Wasiirka Gadiidka Duulista Hawada XFS Duraan Faarax oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in aysan garaneyn sababta keenta qoraalkii kasoo baxay dowladda Kenya oo ay ku joojisay duullimaadyadii isaga kala gooshi jiray Soomaaliya iyo Kenya.

Waxa uu sheegay in wax-gelin ah aysan ka helin Kenya, sidoo kalena aysan garaneyn sababta ka dambeysa inay qaadato go’aankaas oo ah mid aysan labada dal midkoodna dani ugu jirin.

Wasiirka ayaa sheegay in arrintaas ay saameyn ku yeelaneyso shucuubta labada dale e Soomaaliya iyo Kenya, isagoo xusay in aysan jirin dhibaato u gaar ah Soomaaliya oo kasoo gaaraya go’aanka ay qaadatay Kenya.

Waxa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay maalmo ka hor is qalbi furnaan ah u soo celisay xiriirkii kala dhaxeeyey Kenya, balse Kenya ay hadda ku dhaaqaaqday tallaabo wax u dhibeysa sii socoshada xiriirka labada dal oo aan jirin intii uu xumaa xiriirku.

Wasiirka oo ka jawaabayey talaabada ay Dowladda Soomaaliya ka qaadi doonto arrinkaas ayaa sheegay inay kasoo saari doonaan go’aan munaasib ku ah arrinkaas, waqtiga ku haboona uu go’aankaasi soo bixi doono.