Farmaajo Oo Ku Wajahan Uganda Iyo Ujeedka Safarkiisa Oo La Shaaciyay

8

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya  Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa lagu wadaa in todobaadkaan gudihiisa uu safar ugu ambabaxo Magaalada Kampala ee Caasimadda dalka Uganda.

Farmaajo ayaa waxaa uu Kampala uga qeyb geli doonaa Caleemo-saarka Madaxweynaha Uganda Yoweri Kaguta Museveni oo markii lixaad oo xiriir ah ku guuleystay doorashada Madaxtinimada dalkaas.

Afhayeenka Madaxtooyada Uganda Lindah Nabusayi ayaa laga soo xigtay in Madaxweyne Farmaajo uu qeyb ka yahay Madaxda dalalka Afrika ee lagu Casuumay Caleemo-saarka Yoweri Museveni.

Sidoo kale Lindah Nabusayi ayaa sheegay in Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu qeyb ka noqon doono Madaxda ku wajahan Caasimadda Kampala, Talaadada todobaadkan oo taariikhdu tahay 12-ka bisha May.

Dhinaca kale weli ma jiro wax war ah ah oo kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya oo ku aadan safarka Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ku aadayo dalka Uganda.

Madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Kaguta Museveni ayaa markii lixaad oo xiriir ah uu ku guuleystay Madaxtinimada dalkaas, waxaana doorashadii ugu dambeysay uu ku guuleystay Bishii Janaayo ee sanadkan 2021.