Maxay kawada hadleen RW Rooble, Qoorqoor, Cali Guudlaawe iyo ganacsatada G.Banaadir?

7

Ra’iisul Wasaaraha xukumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo ay wehliyaan Madaxweyneyaasha Galmudug iyo Hirshabeelle ayaa la kulmay qaar ka mid ah ganacsatada gobolka Banaadir.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay xaaladda dalka, gaar ahaan isku dhacyadii maalmihii la soo dhaafay ka dhacay magaalada Muqdisho.

Mas’uuliyiinta ayaa ganacsatada kala hadlay sidii kaalintooda uga qaadan lahaayeen xoojinta xasiloonida caasimadda, iyo caawinta dadkii ku barakacay rabshadihii dhacay.

Ra’iisul wasaare Rooble ayaa magaalada Muqdisho ka wada kulamo looga hadlayo shaqaaqooyinkii u dambeeyay ee ka dhacay magaalada Muqdisho.