Turkiga oo weerar afka ah ku qaaday madaxweynaha Mareykanka

3

Turkey ayaa Sabtidii ku eedeysay Mareykanka inay isku dayayaan inay dib u qoraan taariikhda, ayada oo si adag u diiday go’aanka uu madaxweyne Biden ku aqoonsaday dil ay Cusmaaniyiinta u gaysteen dad Armenian ah inuu ahaa “xasuuq”.

Waddooyinka Istanbul illaa hoolalka dowladda, Turkish-ka ayaa u midoobay carrada ka dhanka ah go’aanka uu Biden kula saftay tarjumaadda ay Armenia, France, Germany, Russia iyo dalal kale oo dhowr ah ka bixiyaan dhacdooyinkan argagaxa leh ee dhacay Dagaalkii Koowaad ee Adduunka.

“Erayadu ma beddeli karaan ama dib uma qori karaan taariikhda,” waxaa sidaas yiri wasiirka arrimaha dibedda Turkey Mevlut Cavusoglu oo qoraal soo dhigay twitter-ka daqiiqado kadib markii Biden uu ku dhowaaqay go’aankiisa.

“Cidna kama qaadaneyno casharro ku saabsan taariikhdeena,” ayuu yiri.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda Turkey ayaa goor dambe u yeertay safiirka Mareykanka David Satterfield si ay ugu muujiso carradeeda, ayada oo xustay in go’aanka Biden uu “daawac weyn gaarsiiyey xiriir ay adag tahay in dib loo hagaajiyo,” sida ay qortay wakaaladda wararka dowladd ee Anadolu.

Biden ayaa noqday madaxweynihii ugu horreeyey ee Mareykan ah ee ereyga xasuuq u adeegsada qoraal uu kasoo saaray sanad-guurada dilkaas oo dhacay 1915-kii illaa 1917-kii, xilligaas oo aheyd markii ay sii burbureysay Boqortooyadii Cusmaaniyiinta.

Isaga oo isku dayaya inuu qaboojiyo xiisadda, ayaa Biden waxuu taleefon kula hadlay Erdogan kahor go’aankiisa, waxayna labada madaxweyne isku raaceen inay ku doc kulmaan shirka NATO ee bisha June.