Midowga Yurub oo walaac ka muujiyay xaaladda Muqdisho

9

Wakiilka  gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Nicolas Berlanga ayaa sheegay inuu ”Aad uga walaacsan yahay xaaladda Muqdisho”.

“Waxaan aad uga walaacsanahay dhacdooyinka ka socda magaalada Muqdisho, danta guud waxay ku jirtaa xakameynta ugu sareysa, ilaalinta hey’adaha ammaanka iyo wadahadalada. Rabshadaha lama aqbali karo. Kuwa ka masuulka ahna waa lala xisaabtami doonaa” ayuu yiri Nicolas Berlanga

Hadalka wakiilka ayaa imaanaya xili saacadii la soo dhaafay xaaladda magaalada Muqdisho aysan degganeyn, iyadoo ciidamada dowladda iyo kuwa mucaaradka ku dagaalameen qeybo kamid ah magaaalada.