Ra’iisul wasaare Rooble oo si adag uga hadlay Shaqaaqo ka dhacday Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde

5

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in aan marnaba la aqbali karin dhacdadii foosha xumeyd ee ka dhacday garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa faray Wasaaradda Amniga iyo Hay’adaha kale ee ay khuseyso in ay baaritaan deg deg ah ku sameeyaan falkaas si dhaqso ahna sharciga loo horkeeno cid kasta oo ku lug lahayd.

Shaqaaqada oo dhalisay gacan-ka-hadal  ayaa waxaa ay dhex-martay Ciidamo ka tirsan Nabadsugidda Soomaaliya iyo Shaqaalaha Hay’adda Socdaalka, kuwaas oo ku wada sugnaa Gudaha garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya sababta keentay gacan ka hadalka, waxaana wararka aan helnay ay sheegayaan inay sabab u ahayd kadib markii shalay dad ajnabi ah oo garoonka ka soo degay ay Waaxda Socdaalka ku hakisay qeybta hubinta, lagana dalbaday damaanad iyo cida ay u socdaan, hase ahaatee intii ay howshaas socotay ay Nabadsugida dharcada ee garoonka ay dalbadeen inay raggan la wareegaan, balse ay shaqaalaha Waaxda Socdaalka diideen.

Shaqaaqada ayaa waxaa ka dhashay inay dhaawacmaan dhowr qof oo kamid ah dhinacyadii dagaalamay & burbur xoogan oo gaaray agabkii shaqada ee Garoonka, sida ay Risaala u sheegeen dad ku sugna xilliga ay dhaceysay shaqaaqada Gudaha Garoonka.