Odowaa oo weerar culus ku qaaday QOOR-QOOR

2

Cabdiraxmaan Odowaa, xoghayaha Madasha Xisbiyada Qaran oo sidoo kalena ah mudane ka tirsan golaha shacabka ayaa weerar afka ah ku qaaday madaxweynaha maamulka Galmudug, Axmed Qoor-Qoor oo xulufo dhow la’ah madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday.

Odowaa ayaa waxa uu Qoor-Qoor ku eedeyay amni darada ka taagan deegaanada maamulkiisa, xili uu muddooyinkii dambe ku sugnaa magaalada Muqdisho oo uu sheegay inuu u joogay meel-marinta muddo kororsiga sharci darada ah ee Farmaajo.

“Farmaajo musiibada uu dalkan u horseeday kuma sinna inuu duminaayo dowladdii federaalka aheyd ee 20 sano lasoo dhisaayay, balse wuxuu sidoo kale duminayaa dowlad goboleedyadii dalka. Madaxda dowlad goboleedyada uu isagu dhistay (Farmaajo), kuraastana u boobay, ayaa dhowr bilood waxay iska fadhiyaan Xamar, iyagoo aan wax war ah ka heyn dadkooda iyo deegaankooda,” ayuu yiri.

“Maalimihii lasoo dhaafay, Shabaab waxay qabsadeen dagmada Bacaadweyne oo ahayd magaalo muddo dhan kaligeed difaac ku jirtay, sidoo kale deegaanada Sinadhaqo iyo Labi Dulle oo ku yaalla duleedka koonfureed ee caasimadda Galmudug ee Dhuusmarreeb. Madaxweynihii Galmudug na wuxuu Xamar u joogaa inuu Farmaajo kala shaqeeyo muddo kororsi sharci darro ah. Waana sababta markii horeba loo geystay Galmudug.”

Odowaa ayaa madaxweynaha Galmudug ku canaantay ‘dayaca mas’uuliyadiisa’, maadama uusan gacan ku hayn amniga deegaanadiisa, balse taasi bedelkeeda uu ku howlan yahay ka shaqeynta damaca ‘Ninkii geystay Galmudug’, sida uu sheegay.

Madaxweynaha Galmudug ayaa kamid ah maamulada saddexda ah ee taabacsan madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday, kuwaasi oo uu doorashadooda ku bixiyay dhaqaale badan, halka kuwa qaarkoodna uu u daadiyay dhiig aan la mahdin.

Xaalada dalka ayaa kasii dartay, tan iyo markii uu Golaha Shacabka meel-mariyay qaraar uu muddo kororsi ugu sameeyay madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday iyo hay’addaha dowladda, kaasi oo ay si adag uga hor-yimaadeen mucaaridka, dhaqanka iyo maamulada Puntland iyo Jubbaland.