Shir ka dhan ah muddo kororsiga madaxda DF oo Muqdisho ka furmay

1

Shirka Beelaha Hawiye ee ay ku diidan tahay moddo kororsiga labada sano ee Madaxweynaha muddo xileedkiisa dastuuriga uu dhamaaday ayaa goordhow la filayaa inuu ka bilowdo Hotelka Jazeera.

Shirkan oo afur ah ayaa waxaa ka qeyb galaya Musharaxiinta, Xildhibaannada, senatarada, odayaasha dhaqanka iyo dad kale oo lagu martiqaaday shirka.

Geba gebada shirka ayaa waxaa la filayaa in laga soo saaro wa-saxaafadeed ay beeshaasi kaga hadlayso mowqifkooda ku aadan muddo kordhinta loo sameeyay hay’addaha dowladda.