Dad badan oo lagu laayay dalka Myanmar

0

In ka badan 80 qof ayaa lagu dilay dalka Mnanmar kadib markii laamaha amniga ay sameeyeen howlgal ka dhan ah dad dibadbaxyo ka dhigayay magaalada Bago, sida laga soo xigtay dadka u doodo xuquuuqda aadanaha.

Waxaana lagu soo warramayaa in militeriga ay qaateen meydadka dadka la dilay, waxaana adag in la xaqiijiyo tirada dhimashada.

Goob joogayaal ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in ciidamada ay adeegsanayeen hub culus isla markaana ay tooganayeen qof kasta oo dhaqaaqa.

In ka badan 600 qof ayaa lagu dilay Myanmar tan iyo markii militeriga ay awoodda dalkaas la wareegeen.