Sheekh Umal oo fariin u diray Saciid Deni iyo Axmed Madoobe

23

Sheekh Maxamed Cabdi Umal oo ka mid ah culimada Soomaaliyeed kuwooda ugu caansan ayaa madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland Saciid Deni iyo Axmed Madoobe ugu baaqay inay ka qeyb-galaan shirka arrimaha doorashada oo aysan shuruud ku xirin.

“Masaaliixda umadda u tanaasula. Shuruudaha meel iska dhiga. Miiska imaada oo in la wada tashada oggolaada. masaaliixda caamka ah ka shaqeeya” ayuu yiri Sheekh Umal.

Sheekh Umal ayaa sheegay in Saciid Deni iyo Axmed Moodoobe markii loo fiirsado sida ay u dhaqmayaan y u ‘muuqdaan kuwo qeyb ka ah mushkilada dalka ka jirta’ sida uu sheegay.

“Waxaad shuruudo badan hor dhigteen wadahadalladii, umadda wixii u suuroobi lahaydna aad hor istaagtaan sax ma ahan,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Sheekh Maxamed Cabdi Umal.

Tdobaadkii hore ayuu Sheekh Umal farriin tan lamid ah u diray madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo madaxda mucaaradka, isagoo ugu baaqay inay ka shaqeeyaan maslaxadda caamka ah ee dalka.

Waxuu uga digay inay fushadaan danahooda gaar ah iyadoo loo doortay ka shaqeynta danta iyo maslaxada dadka iyo dalka, si gaar ah madaxweyne Farmaajo ayuu ka dalbaday inuusan kursiga isku dhajin, halka mucaaradkana uu uga digay inay abaabulaan dibadbaxyo ay suuragal tahay inuu dhiig ku daato.