Puntland oo markale ku celisay in shirka lagu qabto Muqdisho

12

Madaxweynaha Dowladd goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Shir-guddoomiyey Shirka Todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirada Dowladda Puntland.

Shirka Golaha Wasiirada oo uu Madaxweynaha ku weheliyay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa todobaadkan looga hadlay Doorashada Soomaaliya, Amniga deegaannada Puntland, xaaladda Gobollada iyo Degmooyinka, horumarinta Waxbarashada iyo ansixinta Hindise Xeereedka Goobaha Taariikhiga ah ee Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Golaha uga warbixiyay xaaladda dalku marayo iyo dadaalka Dowladdu gelisay in la xaliyo oo laga heshiiyo tabashooyinka ka dhashay hirgelinta heshiiskii 17-ka September 2020.

Dowladda Puntland marwalba kaalin muhim ah ayey ka qaadanaysa sidii dalku uga gudbi lahaa marxaladda uu ku jiro, waxayna soo jeedisay in ay muhim tahay in dhakhso shir la isugu yimaado oo lagu qabto Muqdisho madaama Hay’adda Dastuuriga ah ee DFS wakhtigoodu dhammaaday, Shirkuna u baahanyahay wakhti badan in la geliyo, Saamileyda Siyaasadda, Beesha Caalamka iyo dhammaan dhinacyada ay khuseysona ay halkaasi wada joogaan.