CaalamkaWararka Soomaaliya oo ka qeyb-gashay Kulan Heer Wasiir ee dalalka Carabta

5

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Jamaal Maxamed Xasan ayaa maanta Aaladda fogaan arraga uga qeyb galay shirka sanadlaha ah ee uu soo qaban qaabiyay Machadka Qorsheynta dowladaha Carabta, kaas oo ay ka soo qayb galaan Wasiirada Qorsheynta ee dalalka Carabta.

Wasiir Jamaal ayaa ka warbixiyay horumarada dalka uu ku tallaabsaday sannadahii u dambeeyay, waxuu sheegay in ay door muhiim ah  dowladda Soomaaliya ka qaadan doonto shaqooyinka wanaagsan ee Machadka uu hayo, maaddaama Dowladda Soomaaliya la wareegi doonta shir guddoonka Machadka labo sano kadib, sidoo kale waxa uu uga mahadceliyay Machadka Qorsheynta Carabta dadaalada isku xirinaashiyaha ee uu wado.

Kulankan oo ahaa mid looga arinsanayay qorshayaasha horyaala midowga Wasaaradaha Qorsheynta Carabta ayaa la isla gartay in Soomaaliya ay shir guddoomiso guddoonka Wasaaradaha Qorsheynta Carabta laba sano kedib