Dowladda Soomaaliya oo dib u Fasaxday Jaadka

16

Wasiirka wasaaradda Maalyadda Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in la fasaxay jaad walba ee dalka la keeni jiray.

Wasiirka oo Warbaahinta kula hadlayay Muqdisho ayaa sheegay in ay waajib tahay in laqaato leesinka keenista Qaadka  ee dowladda, Waxuuna sheegay Bayle in Dowladdu ay diidan tahay in dalka lakeeno jaad lasoo marsiiyay meelo aan habooneen .

Horay ayaa dowladda Soomaaliya waxaa ay u joojisay qaadka laga keeni jiray dalka gaar ahaan midka ka imaan jiray Kenya , iyada oo dad badan ay arrintaasi ku sheegeen inay tahay mid siyaasadeed.

Ganacsatada jaadka ee dalka Kenya iyo kuwa Soomaalida ayaa dhowr mar dalbaday in dowladda Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ay jadka fasaxdo si lamid ah qaadka Itoobiya oo Soomaaliya si caadi ah loo keeno.