R/Wasaare Rooble oo war ka soo saaray weerarkii lagu dilay guddoomiyihii degmada Hodan.

13

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa si kulul ugu hadlay weerarkii xalay lagu dilay guddoomiyihii degmada Hodan ee gobolka Banaadir Cabdi xakiin Dhagajuun.

R/Wasaare Rooble ayaa weerarkaasi ku tilmaamay fal nasiib daro ah, islamarkaana uu aad ugu xun yahay.

“Waxaan tacsi tiiraanyo leh u darayaa qoyskii iyo asxaabtii Marxuum Cabdixakiin Dhagajuun guddoomiyihii degmada Hodan oo ku geeriyooday fal nasiib darro ah oo xalay ka dhacay Muqdisho, Waxaa Eebbe uga baryayaa in uu naxariistii Janno ka waraabiyo ehelka iyo asxaabtana Samir iyo iimaan ka siiyo” ayuu yiri R/Wasaare Rooble.

Sidoo kale R/Wasaare Roobla ayaa hay’ada ammaanka faray in baaritaan rasmi ah ay ku saameeyeen weerarkii lagu dilay guddoomiyihii degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

“Waxaan farayaa hay’adaha ammaanka ee ku shaqada leh in ay baaritaan rasmi ah oo dhammeys tiran ku sameeyaan dhacdadadaas nasiib darrad”