DFS oo sheegtay in saraakiil iyo askar loo xiray weerarkii lagu dilay guddoomiyihii degmada Hodan

23

Wasaaradda Amniga Soomaaliya ayaa sheegtay in gacanta lagu hayo saraakiishii iyo ciidankii ku lug lahaa dilka Guddoomiyihii degmada Hodan Cabdixakiim Dhegajuun.

Wasiiru Dowlaha Aminga Gudaha XFS Farxaan Cali Axmed oo goordhow la hadlay Warbaahinta ku hadasha afka dowladda ayaa sheegay in dowladda soomaaliya xirtay saraakiil iyo askar tirsan booliska soomaaliya, kuwaasi oo lagu eedeynayo weerarkii lagu dilay guddoomiyihii degmada Hodan.

Farxaan Cali Axmed ma sheegin tirada saraakiisha iyo askarta loo qabtay falkii lagu dilay guddoomiyihii degmada Hodan Cabdi xakiin Dhagajuun.

Sidoo kale wasiiru Dowlaha Aminga Gudaha xukuumadda Soomaaliya ayaa shacabka ugu baaqay in ay is dejiyaan, islamarkaana ay jawaab ka sugaan dowladooda, isagoona sheegay in baaritaano kale ay socdaan.

Hadalka wasiiru dowlaha amniga gudaha ayaa imaanaya xili la sheegay in taliyeyaasha Saldhigyada Booliska Degmooyinka Howlwadaag, Waaberi iyo askar tirsan booliska Soomaaliya loo xiray weerarkii lagu dilay guddoomiyihii degmada Hodan.

Allaha u naxariistee Guddoomiye C/xakiin Dhegajuun ayaa shalay ka soo laabtay safar caafimaad uu ku tagay dalka Turkiga, kaddib markii uu ku dhaawacmay qarax lala eegtay bishii November ee sanadkii hore.