Musharax La Tartamay Madaxweyne Museveni Oo Noloshiisa Halis Ay Ku Jirto

15

Bobi Wine oo ah musharraxa mucaaradka Uganda ayaa sheegay in noloshiisa ay halis ku jirto kaddib doorashadii Khamistii ka dhacday dalkaas oo uu ku guuleystay Yoweri Museveni.

“Waxaan u cabsi qabaa nolosheyda iyo tan xaaskeyga” ayuu yiri Bobi Wine. Wuxuu BBC-da u sheegay in uusan aqbali doonin natiijada kasoo baxday guddiga doorashada.

Wuxuu intaas ku daray in aanan loo ogoleyn in uu isaga baxo gurigiisa oo ay ku hareereysan yihiin ciidamada amniga.

“Cidna looma ogolo in gurigeyga ay soo gasho ama isaga baxdo- dhammaan weriyeyaasha gudaha iyo kuwa caalamiga ah waxaa loo diiday inay soo galaan gurigeyga”

Xilliggii ololaha doorashada waxaa Uganda hareeyay qalalaase oo ay ku dhinteen tiro dad ah.

Madaxwaynaha xilka haya ayaa marka la eego dhanka codadka waxaa uu helay 5.85 milyan , halka musharaxa mucaaradka Bobi Wine uu helay 3.48 milyan oo cod.