Xilliga ay dhacayaan doorashooyinka Golaha Wakiilada & degaanka Somaliland oo la shaaciyay

27

Guddiga doorashooyinka Somaliland, ayaa Maanta Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi gudbiyey warqad sumaddeedu tahay Tix: KDQ/XK/002/2021, taas oo ujeeddadeedu tahay cayimaadda doorashooyinka isku sidkan ee goleyaasha wakiillada iyo deegaanka ee 2021.

Xubnaha Guddiga doorashooyinka oo si rasmi ah u soo gebo-gebeeyey wejigii labaad ee diiwaangelinta cod-bixiyayaasha, ayaa sida sharcigu qorayo madaxweyne Muuse Biixi u gudbiyey warqad ay ku cayimeen maalinta, bisha iyo sannadka ay doorashooyinka wakiillada iyo deegaanku qabsoomi doonaan, taas oo u qorsheysan 31/05/2021, si uu madaxweynuhuna ugu soo saaro wareegto rasmi ah.

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa xubnaha Guddiga doorashooyinka uga mahadnaqay dedaalka ay geliyeen dhammaystirka wejiga labaad ee diiwaangelinta cod-bixiyaasha, waxana uu caddeeyey inuu ka madaxweyne ahaan diyaar u yahay oo ay ka go’an tahay sidii uu taageero buuxda u siin lahaa inay doorashadu ku qabsoonto wakhtiga ay Gudddiga u cayimeen, islamarkaana uu hawsha doorashada muhiimad gaar ah siinayo, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu York.

“Waxa inoo ballan ah inta doorashadaasi Illaahay idamkii ay nabad inoogu dhammaanayso inaynu dhammaan hareeraha ka joogno, waannu idin garab joogaynaa, hawsha waannu idinla wadanaynaa, dhibaatooyinka idin haysta, hawlaha iyo culaysyada ay leedahay waannu idiin tixgelinaynaa, wixii aannu idin la qaban karnana waannu idin garab taaganahay.”