Faahfaahino ka soo baxaya xarigga afar weriye oo maanta lagu xiray Boorame

7

Wararka naga soo gaaraya gobolka Awdal ayaa sheegaya in maanta ciidamada booliska Somaliland ay xabsiga u taxaabeen afar weriye oo ka howlgalayay magaalada Boorame.

Wariyeyaasha xabsiga la dhigay ayaa kala ah Axmed Diiriye Ciiltire, Xuseen Caateeye, Shucayb Maxamed Kaahin iyo Cabdullahi Daahir Wacays.

Sida aan xogta ku helnay weriyeyaashan waxay ku eedeysan yihiin ay faafiyeen warar been abuur ah oo ka dhan ah guddoomiyaha degmada Boorame.

Warbaahinta gobolka Awdal ayaa maalmihii u dambeeyay qoraysay in guddoomiyaha magaalada Boorame Saleebaan Xasan Xaadi uu u baxsaday dhanka Dalka Jabuuti, kadib markii lagu helay musuq maasuq.

Hasa yeeshee waxaa warkaas beeniyey guddoomiye Saleebaan Xasan, waxaana la sheegay in amarka lagu xiray weriyeyaashaas uu isagu bixiyey.